Skip to content

Littsint

Hagaha Maaraynta Cadhdada ee Waalidka

  • Norsk
  • English
  • Polski
  • Español
  • العربية
  • Somali
  • اردو
  • Davvisámegiella
  • Français
  • Português
  • Українська
  • Sababtee ayaanu u cadhoonaa?
  • Hagaha waalidka
  • Kooras khadka ah
  • Halka caawimo lagu helo
  • Soo deji abka
  • App-ka shabakada
  • Cilmi baadhida

Si fudud ma uga xanaaqdaa carruurtaada?

Waalidiinta doonaya inay ka shaqeeyaan arrimahooda si ay u horumariyaan nolol maalmeedka carruurtooda waxay mudan yihiin xushmad. Littsint waa adeeg siiya agab bilaash ah waalidiinta raba inay ka shaqeeyaan maaraynta xanaaqa. Nuxurka iyo agabka waxa diyaariyay Steinar Sunde, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi nafsiga oo jooga Xarunta Latalinta Qoyska ee Norway.

Waa tan taladiisa:

1. Qaado masuuliyadda

Haddii aad dareento inaad rabto inaad qayliso ama qabsato ilmaha, qaado mas’uuliyadda, oo ka bax xaaladda.

2. Xusuusnow inay caadi tahay

Xusuusi naftaada in habdhaqanka ilmahaagu gabi ahaanba caadi u yahay da’dooda oo kale. Maaha su’aal ah in ilmuhu aanu xusmad lahayn ama aadan ku dabeecad wanaagsanayn shaqada.

3. La hadal ilmaha

Markaad is dejiso, ku noqo oo la hadal ilmaha sidaad rabto inay kula hadlaan.

4. Waxaad tahay qofka lagu daydo

Xasuusnoow in aad tahay marka hore tusaale ku dayasho mudan, oo bara ilmaha habab la aqbali karo oo guriga kuwada xiriiraan.

Littsint

Waalidka doonaya inay nafahooda kala shaqeeyan si ay u horumariyaan nolosha maalinlaha ee carruurtooda waxay u qalmaan tixgelin. Littsint.no waa websaydka waalidka doonaya inay ka shaqeeyaan maaraynta cadhada. Ujeedada waa in la gaadho aqoonta cilmi nafsiga iyo qaabka awood u siiya waalidka nafahooda inay abuuraan mid aad u amni badan iyo nolol maalinle ah oo la saadaalin kafro oo carruurtooda ah.

Caawimo

Haddii aad jeclaan lahayd caawimo badan oo maaraynta cadhada ah, la taliyayaasha waalidka ee Norway waxaa lagu tababaray qaabka lagu soo bandhigay e-book. Xarumaha la talinta Waalidka Noorwayjiyaanka (Familievernkontor) waxay bixiyaan kullmada waalidka, oo waxaa loola soo xidhiidhi karaa toos gudbin la’aan.

Halka caawimo lagu helo

Littsint e-book

Waxaad kala doo degi kartaa e-book bilaashka ah “Hagaha Maaraynta Cadhada ee Waalidka” bogga littsint.no. e-book waxa uu ka kooban yahay 10 fiidyow oo soo bandhiga qaabka sida wanaagsan loo diyaariyay ee maarayna cadhada qaab dhab ah.

Soo deji e-book

Abka Maaraynta Cadhada

Waxaad kala soo degi kartaa abka maaraynta cadhada bilaashka ah littsint.no, Google Play ama App Store. Abkan waa agabka is caawinta ah oo ku dhisan waayo aragnimo laga helay casharada la siiyay 800 oo waalid ah kuwaas oo doonayay inay horumariyaan sida loo maareeyo cadhada dhanka carruurta.

Soo deji abka

Websaydka, e-book iyo abka maaraynta cadhada waxaa horumariyay Steinar Sunde, khabiirka cilmi nafsiga iyo daawayaha garaadka xaga Xarunta La talinta Qoyska gudaha Molde, isagoo uu taageerayo Maamulka Carruurta ee Noorwayjiyaanka, Dhalin yarada iyo Arrimaha Qoyska.